U bood dhigaalka

Maamulka Ximan iyo xeeb oo saxiixay heshiiska maamul u sameynta gobollada Dhexe (Sawirro)

Sheeko:War

[huge_it_slider id=”49″]

Maamulka Ximan iyo xeeb ayaa sheegay inay u diyaar garoobeen Marti gelinta shirka lagu dhisayo Maamul Goboleedka Gobollada dhexe ee Soomaaliya.

Madaxweynaha Maamulkaasi Cabdullaahi Maxamed Cali Baarleex ayaa warbaahinta u sheegay inay ka diyaar garoobeen dhinacyada ammaanka, arrimaha bulshada iyo qeybo kale oo uu sheegay in Maamulku uu dadaal u galay.Baarleex ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin inay ka qeyb qaataan maamul ka hir gala dalka oo ka shaqeeya midnimada iyo nabadeynta bulshada ku nool Gobollada dhexe ee dalka.

Maamulka Ximan iyo xeeb ee ka arrimiya gobollada dhexe ee dalka ayaa hore uga biyo diiday maamulka ay ku dhawaaqday dowladda federaalka Soomaaliya ee lagu mideynayo gobollada Galgaduud iyo Mudug. Heshiiskii shalay ayaa qeyb ka ah in magaalada Cadaado laga dhigo xarunta maamulka gobollada dhexe ee dalka.

Ergeyga Qaramada midoobey u qaabilsan Soomaaliya danjire Nicolas Kay ayaa soo dhoweeyay go’aanka uu qaatay maamulka Ximan iyo Xeeb ee uu ku saxiixay dhisidda maamul loo sameeyo Galgaduud iyo Mudug.

Dhanka kale, Maamulka puntland oo maamula qeyb ka tirsan gobolka Mudug ayaa sharci darro ku tilmaamay magacaabista dowladda ee maamulkan, iyagoo u sababeeyay inuu baal maray dastuurka u yaalla dalka.