U bood dhigaalka

Machar Oo La Kulmaya Salva Kiir

Sheeko:Caalamka

Mucaaradka hubeysan ee dowladda Koofurta Suudaan ayaa sheegay in hoggaamiyahooda Riek Machar uu ka soo duulay dalka Koofur Afrika isaga oo ku jeeda magaalada Adis-ababa ee caasimadda Itoobiya,si loogu gogol xaaro kulan uu la yeelanayo madaxweyne Salva Kiir Mayardit.

Machar ayaa muddo labo sano ah ku sugnaa waddanka Koofur Afrika isaga oo halkaasi ku ahaa xabsi guri.

Manawa Beyter oo ah madaxa warbaahinta raacsan Mucaaradka dowladda Koofurta Suudaan ayaa sheegay in Machar uu gaari doono maanta magaalada Adis-ababa si uu ula kulmo maalinta Khamiista madaxweyne Salva Kiir.

Manawa ayaa intaas ku daray in ay doonayeen in kulanka lagu qabto Koofur Afrika oo uu ku suganaa Machar si looga dhowrsanaado tartanka ka dhex taagan dowladaha Suudaan, Kenya iyo Itoobiya kuwaasi oo mid walba ay qorsheyneyso inay martigeliso kulanka.

Dhamaadkii bishii May ee tagtay ayaa Kenya waxay ku dhawaaqday qorshe uu hoggaaminayo hoggaamiyaha Mucaaradka Raila Odinga, si loogu gogal xaaro kulanka loo qabanayo Madaxweyne Salva kiir iyo Mucaaradkiisa Macahar oo horay u ahaa ku xigeenkiisa.

Todobaadkii tagay ayaa Machar waxaa uu marti qaad ka helay Itoobiya si uu uga qeyb-galo kulan loo qabanayo Khamiista isaga iyo Salva Kiir.

Dhanka kale urur goboleedka IGAD ayaa ku baaqday in lagama maarmaan ay tahay in labadaan nin loo qabto kulan ka hor inta uusan qabsoomin shir madaxeedka Midowga Afrika kaasi oo ka dhici doono dalka Mauritania.

Machar ayaa ku suganaa Koofur Afrika ka dib markii uu ka cararay caasimadda wadankiisa ee Jubba, ka dib markii uu soo cusboonaaday dagaal u dhaxeeya ciidankiisa iyo kuwa dowladda sanadkii 2016-kii.

Goobjoog News