U bood dhigaalka

Madasha: Colaadaha Dalka Ka Socda Waxaa Ku Jirta Gacmo Siyaasadeed

Sheeko:Baarlamaanka

Madasha xisbiyada qaran ayaa qoraal ka soo saaray nabadeynta iyaga oo walaac ka muujiyey colaado ka socda qeybo ka mid ah dalka, waxanya soo qaateen iney ku jireen gacmo siyaasadeed.

Qoraalka Madasha:

Madasha Xisbiyada Qaran (MXQ) oo ka duulaysa baahida loo qabo nabad ku wada noolaansho waarta oo dhex marta bulshada Soomaaliyeed ee asaaggood uu ka reebay colaadaha soo noqnoqday, waxay walaac ka muujinaysaa dagaalada sokeeye ee ka soo cusboonaaday deegaanada Soomaaliyeed. Madashu waxay u aragtaa inay gacmo siyaasadeed ku lug leeyihiin dagaallada sokeeye ee soo noqnoqdey. Madashu waxay u taagan tahay Dhiirigalinta nabadda, xasiloonida iyo dariswanaagga, Ilaalinta sharafka, dhiigga, maalka shaqsiga iyo karaamada umadda Soomaaliyeed, waxayna bulshada ku dhiirigalinaysaa ka fogaanshaha hadallada xanafta leh ee kicin kara ama dhaawici kara dareenka dadka iyo ka baaqsashada hurinta colaadaha.

Cambaarayn:

  1. Madashu waxay cambaaraynaysaa falka waxashnimada lahaa ee lagu xasuuqey dhalinyarada dhakhaatiirta aheyd ee ka dhacay deegaanka Golooley ee degmada Balcad kaasoo ay geysteen dad arxanlaawayaal ah oo ku labisnaa direysa ciidamada Qaranka Soomaaliyeed. Madashu waxey dalbeysaa in sida ugu degdegga badan loo horkeeno caddaaladda kuwii fuliyey iyo ciddii amarka bixiseyba.
  2. Ayadoo lawada ogsoonyahay inay dawladdu joojisey shirarka siyaasadeed ee ka qabsoomi lahaa Muqdisho, Madashu waxay ka xuntahay in dawladdu ay abaabusho oo maalgaliso shirar lagu kala fogaynaayo bulshada Soomaaliyeed laguna hurinaayo colaado sokeeye.
  3. Waxaan u aragnaa in dawladdu ay lug weyn ku leedahay hurinta colaadaha bilihii ugu danbeeyay ka soo cusboonaaday dalka gaar ahaan; Muqdisho, Shabeelada Hoose, Shabeelada dhexe, Jubada Hoose, Hiiraan, Galguduud, Mudug, iyo degmooyin kamid ah Dawlad Deegaanka Soomaalida gaar ahaan degmooyinka Raaso, Sallaxaad, Doollo iyo qaybo kale oo kamid ah Dawlad Deegaanka Soomaalida.

Baaq:

  • Madashu waxay ugu baaqaysaa hoggaanka dalka inuu joojiyo dagaalada siyaasadeed iyo midka ciidan ee ku wajahan Dawlad goboleedyada dalka iyo guud ahaan geyiga Soomaaliyeed.
  • Madashu waxay ugu baaqaysaa culimada, salaadiinta, odayaal dhaqameedka, indheer garadka iyo aqoonyahanka Soomaaliyeed inay u istaagaan daminta colaadaha, ka shaqaynta nabadaynta

iyo hirgalinta darisayn ku dhisan iscafis,walaalnimo iyo wax wada qabsi.

  • Madashu waxay ugu baaqaysaa dhamaan masuuliyiinta Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan iney ka hortagaan colaadaha qabiileysan ee umadda kala dilaya