U bood dhigaalka

Madaweynaha Jabuuti oo Muqdisho Lagu Soo Dhoweeyay

Sheeko:War

Ra’iisulwasaaraha xukuumadda federalka Soomaaliya mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa dalka kusoo dhoweeyay Wafdi uu hogaaminaayay madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciiil Cumar Geelle, waxaana lagu wadaa inuu ka qeyb galo caleemo saarka madaxweynaha 10-aad Soomaaliya.

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa markii labaad ka qeyb galaya Caleemo saarka madaxwene Xasan Shiikh, isaga oo wali ah madaxweynaha dalka Jabuuti, waxaana lagu wadaa inuu munaasabadda ka jeediyo khudbad ku aadan sida dowladda Jabuuti u la shaqeynayo madaxweyanaha cusub iyo hambalyeeyn inta.

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa xiriirka kala dhexeeyo Soomaaliya uu yaraa intii talada uu haayeyay Farmaajo, kadin khilaaf soo kale dhex galay, dowladda Jabuuti ayaa kamid ah dowladaha Soomaaliya ka taageera dhanka nabad ilaalinta maadaama ciidamada ATMIS ay qeyb ka yihiin.

Goobjoog News