U bood dhigaalka

Madaxda 54 Dal oo Afrikaan oo Hindiya Ku Sugan iyo Shir Labo Maalmood oo Furmay

Sheeko:Caalamka

Madaxda in ka badan 50 dal oo Afrikaan ah iyo dalka Hindiya ayaa waxaa uu shir labo maalmood ah uga furmayaa maanta oo khamiis ah caasimadda Hindiya  ee New Delhi, waa kulankii ugu Ballaarnaa ee ka dhaca Hindiya tan iyo shirkii 1983dii ee dowladaha loo yaqaano Non-Aligned Movement (NAM) ay halkaa ku kulmeen, xiligaas waxaa dalka yimid 91 Madaxweyne uu ku jiro  Fidel Castro.

Madaxda maanta jooga Hindiya waxaa ka mid ah hogaamiyaasha 4 dhinac ee qaaradda sida: Madaxweynaha Masar Cabdel Fattah el-Sisi oo Waqooyiga Qaaradda ah, Madaxweynaha Nigeria  Muhammadu Buhari Galbeedka, Ra’isul Wasaaraha Ethiopia  Hailemariam Desalegn oo Bariga ah iyo Madaxweynaha Koofur Afrika Jacob Zuma oo dalkiisa horkacyo Koofurta Qaaradda Afrika.

Qaaradda Afrika waxaa ay Toban Jibaar ka weyn tahay dalka Hindiya lakin  Hindiya  tiro ahaan dadkiisa waa ay ka badan yihiin  dhamaan dadka ku nool qaaradda Afrika , waa  markii ugu horeysay ee Hindiya ay hal qol ku soo xirato Madaxda in ka badan 50 dal oo Afrikaan ah, iyadoo u sheegi doonta dhamaan Siyaasadaheeda dhaw iyo kuwa fog ee ay ka leedahay Qaaradda Afrika.

Ganacsiga dalka Hindiya iyo Afrika dhex mara, dhaqaalo ahaan hadda waxaa lagu qiyaasaa $90-100 billion, waa shirkii sedexaad ee Afrika iyo Hindiya sidan albaabada isugu xirtaan, 14 dal ayaa ka qeyb gashay shirkii ugu dambeeyay ee labada dhinac dhex mara 2007dii.

Hindiya waxaa ay tartan adag kula jirtaa dalka Shiinaha oo isna shirar noocan inta badan qabta, Shiinaha ayaa shir la yeelan doona Afrika bisha December ee sanadkan, Xiriirka dhaqaale ee Afrika iyo Shiinaha waxaa uu kor u dhaafay ilaa  $160 billion.

Ra’isul Waasaraha Hindiya Modi oo horkacaya dalka ugu weyn dalalka ay  Dimoqoraadiyadda ka jirto dunida, waxaa uu doonayaa in uu xiriir fiican la yeesho caalamka gaar ahaan Afrika, waxaan arki doonaa bal waxa ka soo baxa shirkan

Goobjoog News, xafiiska wararka Arimaha dibadda.