U bood dhigaalka

Madaxda dowladda Soomaaliya oo hambalyeeyay guushii Erdogan ee Turkiga

Sheeko:War
Ra'iisal Wasaare Cabdiweli iyo Madaxweyne Xasan Sheekh
Ra’iisal Wasaare Cabdiweli iyo Madaxweyne Xasan Sheekh

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul wasaare Cabdiweli ayaa si wada jir ah ugu hambalyeeyay guushii uu ka gaaray doorashadii Madaxtinimo ee dalka Turkiga Ra’iisul wasaaraha xilka ka sii degaya  ee Recep Tayyip Erdogan.

Madaxweyne Xasan ayaa yiri: “Waxaan hambalyeeynayaa Ra’iisul wasaaraha Turkiga ee jagada sii baneynaya Recep Tayyip Erdogan doorashada loo doortay in uu noqdo Madaxweynaha cusub ee dalkaasi, tani waa mid doorasho taariikhi ah, waan garaneynaa muhiimadda ay codeyntan u leedahay siyaasadda, Shacabka Turkiga iyo tan saaxiibadeen”

Madaxweynaha oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri: “Turkiga waxa uu Soomaaliya ka taageerayay dhanka beni’aadanimada, ganacsiga, kaabayaasha dhaqaalaha, horumarka iyo adeegyo kale, sanadihii la soo dhaafay waxa uu Soomaaliya la lahaa xiriir aad u wanaagsan oo aan uga mahadnaqeyno  taageeradaasi, waxaan rajeyneynaa in xiriirkeena saaxiibtinimo iyo wadashaqeynta labo geesoodka ah uu sii hagaagayo”

Madaxweynaha dalka ayaa xusay inay diyaar u yihiin la shaqeynta Madaxweynaha cusub iyo shacabka dalka Turkiga, maadaama la dhisayo Soomaalida cusub