U bood dhigaalka

Madaxda Itoobiya iyo Sudan oo Kawa Hadlay Xiisadda Labada Dhinac

Sheeko:Caalamka

Madaxda dowladaha Itoobiya iyo Sudan ayaa kawada hadlay sidii loo qaboojin lahaa xiisadda kasoo cusbaanaatay ee gaartay tallaabo Milatari, wadahadlkaan ayaa imaanaya xilli madaxda dalkaas ay kuwada sugan yihiin magaalada Nairobi ee Kenya, kulankaan ayaa waxaa uu noqonayaa mid isku soo dhoweynaya labada dhinac.

Ra’iisulwasaaraha dalka Itoobiya Abey Axmed ayaa sheegay in ay kulan yeesheen isaga iyo dhigiisa Cabdifitaax Alburhaani, caasimadda Kenya,  halkaas oo ay uga qayb galeen shir-madaxeedka IGAD, xaaladda labadaan dal ayaa gaartay heerkii ugu sareeyay xilli dagaal uu dhacay  udhaxeeyay labada ciidan ee dhanka xuduuda.

Midowga Afrika, UN-ka iyo IGAD ayaa dhamaantood ka dhawaajiyay walaaca ay ka qabaan xiisadda u dhexeysa Itoobiya iyo Suudaan, waxaana xiisadda labada dhinac ay noqotay mid walaac baahsan ka abuurtay gobolka iyo qaaradda, dhacdadaan ayaa salka ku haysay xiisadda deegaanka Al-Fashaga oo labada ku muransan yihiin.

Saraakiisha Khartoum ayaa ku eedeeyay ciidanka dalka Itoobiya in ay 7 askari oo Suudaani ah ka qabteen deegaanka lagu muransan yahay ee Al-Fashaga. Addis Ababa ayaa beenisay eeddaas ay dowladda Sudan ay u jeedisay dhigeeda Sudan, oo jeedisay eeda ku aadan ka dhacay deegaanka lagu muransan yahay.

Goobjoog News