U bood dhigaalka

Madaxda Ugu Sareysa Dalka oo ay Si Weyn U Saameysey Is-dhinka Miisaaniyadda 2015-ka

Sheeko:Baarlamaanka

Sedexda xafiis ee dalka ugu sareeya, oo kala ah xafiiska madaxweynaha, kan guddoonka baarlamaanka iyo kan Ra’isulwasaaraha ayay saameynta ugu culus ku yeelatay is-dhinka miisaaniyadda 2015-ka oo uu maanta ansixiyey,dib u eegisna ku saameyey baarlamaanka federaalka.

Baarlamaanka waxa uu ka horyimid soojeedintii wasaaradda maaliyadda ee ahayd in mushaaraadka wax laga jaro ciidamada iyo shaqaalaha dowladda, taasi badalkeedana waxa uu faashka u qaatay qarashkii ku bixi jirey xafiisyada ugu sareeya dowladda.

Kharashka Xafiisyada Sedexda Ah

Waxa uu baarlamaanka ansixiyey in boqolkiiba 30% laga jaro qarashkii ku bixi jirey sedexda xafiis ee dalka ugu sareeya, taasi oo dhan USD 2,048,400 (labo milyan, afartan iyo sideed kun iyo afar boqol doolar), waxayna lacagtani ku bixi jirtey kharashka adeegga iyo agabka xafiisyadani.

Lacagtani la sheegey waxa ay ka dhigantahay markii ugu horeysey oo la ogaado qiyaasta ay la egtahay lacagta ku baxda xafiisyadani, taasi oo markii hore laga afgobaadsan jirey, balse wali lama oga sida ay ugu kala baxdo.

Laakiin waxaa halkan ka cad in qiyaastii $10 milyan oo doolar ay xafiisyadani ku bixi jirtey lix bilood oo kasta marka laga shidaal qaato tiradaasi miisaaniyadda ku xusan.

Waa lacag aad u badan marka la eego duruufaha uu dalka ku jiro iyo dakhli xumada jirta, balse dhibka ugu weyn ee taagan ayaa ah in aanan la ogeyn inta ay la egtahay baahida xafiisyadani iyo faahfaahinta sida loo isticmaalo qarashkani intan la’eg.

Ciidamada iyo Shaqaalaha Dowladda

Waxaa shaqaalaha rayidka iyo ciidamada farax galinaya in aanan mushaarkooda waxbo laga jaraynin, islamarkaasina miisaaniyadda lagu xusey in ay qasab tahay in bil kasta la siiyo mushaarkooda.

Nasiib wanaag qarashkii ciidamada laga jari lahaa ee miisaaniyadda horey isaga dhimey waxaa laga heley meelo kale, sida mashruucyada Halgan iyo Guulwade ee barnaamijka Hiigsiga cusub, wuxuuna qarashkaasi dhanyahay USD 32,371,248 (sodon iyo labo milyan, sedex boqol todobaatan iyo koow kun, labo boqol iyo afartan iyo sideed doolar).

Qodobada Kale

Waxaa jira qodobo kale oo ay miisaaniyadda taabanayso, waxaana ka mid ah , sida Curaarta iyo Qaanta oo laga dhimey lacag dhan 5,390,00 (Shan milyan, sedex boqol iyo sagaashan kun, iyo lix boqol oo doolar).

Waxaa la faray wasaaradda in is-dhin kale uusan dhicin lixda bilood ee soo socota, iyo in tirakoob lagu soo sameeyo macalimiinta mashruuca aadda dugsiyada si miisaaniyadda tan xigta mushaar loogu qoondeeyo.

Sababta Is-dhinka Keentey

Inkasta oo si guud loo sheegey in is-dhinka uu sabab u ahaa deeqihii dibada oo aanan imanin iyo qiyaastii la qaatay oo ahayd mid qaldan, ayaa haddane waxa ugu weyn ee meesha ka muuqda ay yihiin in lacag dhan $60 malyuun oo doolar oo ka iman jirtey Turkiga iyo Jaamacadda Carabta taasi oo aanan la helin.

Waxa kale oo miisaaniyadda ay muujineysaa in uu dhacay dayac weyn oo dhanka dowladda ah sida aanan sidii la rabay loo qaadin canshuurihii barriga iyo canshuuraha furdooyinka oo aanan lagu qaadin tariifooyinka caadiga ah ee dalka u yaala.

Waxani oo dhan waxa ay keeneen in miisaaniyaddii sanadka 2015-ka oo markii lagu qiyaasay $ USD 239.942,191 (Labo boqol, sodon iyo sagaal milyan, sagaal boqol iyo afartan iyo labo kun, boqol iyo sagaashan iyo koow doolar ) ay si weyn isu dhinto.

Is-dhinka waxa uu dhacay lixdii bilood ee ugu dambeysey laga bilaabo bisha Luuliyo illaa diseembar, taasi gaaraysa $41 milyan oo ka dhigan boqolkiiba 17% guud ahaan miisaaniyadda.

Miisaaniyadda lasoo celiyey waxa ay ka dhigneyd in lacagihii qasnadda dowladda laga bixin lahaa laga bilaabo 30-kii bishii June ay hakad galaan, sidaasi darteed maanta si halhaleel ah loo ansixiyey si lacag bixinta ay u bilaabato isla maalinka xigaba.

Goobjoog News