U bood dhigaalka

Madaxweynaha Cusub Ee Nigeria oo Lagu Dhawaaqay iyo Mucaaradka oo Qaadacay

Sheeko:Caalamka

Musharaxa xisbiga talada haya ee Nigeria, Bola Tinubu, ayaa loo doortay madaxweynaha dalka ugu dadka badan Afrika saacadihii hore maatan oo Arbac ah kadib doorasho Sabtidii iyo Axaddii dhacday oo ay la loollameen xisbiyada mucaaradka ah, kaas oo waayay aqlabiyad uu kusoo baxo, wallow ay dhaliilayaan doorashada dhacday.

Gudoomiyihii hore ee gobolka Lagos, ayaa hoggaamin doona wadan la halgamaya maleeshiyada Boko Haram ee dhinaca waqooyi bari, weerarrada hubaysan ee shuftada, dil, afduub, colaada u dhaxaysa xoolo dhaqatada iyo beeralayda, lacag la’aan, shidaal iyo tamar yari, iyo musuqmaasuqa oo madaxweynihii

Guddiga madaxa-banaan ee doorashooyinka qaranka (INEC) ayaa sheegay in Tinubu uu helay 8.79 milyan oo cod, isagoo ka hormaray musharaxa mucaaradka ugu weyn ee Atiku Abubakar oo helay 6.98 milyan oo cod, halka Peter Obi, oo taageero ka helayay codbixiyayaasha da’da yar, uu helay 6.1 milyan oo cod.

Sharciga doorashada Nigeria ayaa sheegaya in musharraxa ku guuleysan kara doorasha ay tahay inuu helo codad ka badan kuwa la tartameya, waase haddii uu helo 25% codadka ugu yaraan saddex-meelood laba meel 36-da gobol iyo caasimadda federaalka ee Abuja, taasoo uu suurta gashay Tinubu.

Xisbiyada mucaaradka dalkaas ayaa ka horyimid natiijada lagu dhawaaqay, isaga oo ugu baaqeen guddoomiyaha guddiga doorashada Mahmood Yakubu, inuu iscasilo, waxaana ay sheegeen in doorashada aysan u dhicin si sax ah, sida ay hadalka u dhigeen, shacabka ayaa u dhagtaagaya waxa xigi doona.

GoobjoogNews