U bood dhigaalka

Madaxweynaha Galmudug oo Guddoomiyay Shirka Golaha Wasiirrada oo Ka Qabsoomay Gaalkacyo

Sheeko:Baarlamaanka

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-qoor) ayaa maanta shir guddoomiyay shirka isbuuclaha ah ee golaha wasiirrada Galmudug oo ka dhacay magaalada Gaalkacyo.

Shirka ayaa looga hadlay Ammaanka deegaanada Galmudug, Cudurka Covid-19 iyo sidoo kale Dib u habeynta Ciidanka Galmudug, madaxweynaha ayaa sidoo kale warbixino ka dhageystay wasiirro ay ka mid yihiin Amniga iyo Arrimaha Gudaha oo maalmihii lasoo dhaafay shaqo adag ka waday degaano ka mid ah gobolka Mudug.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug oo socdaal maalmahaan ku marayay deegaano badan oo ka tirsan Galmudug ayaa u kuurgelayay xaaladda guud ee deegaannada maamulkaas iyo dib u heshiisiinta ay wadaan wasiirro ka tirsan Galmudug, waana markii ugu horeysay oo shirka golaha wasiirrada uu ka dhaco magaalada Gaalkacyo tan iyo markii lasoo doortay madaxda dowlad Goboleedka Galmudug.

Goobjoog News