U bood dhigaalka

Qoor Qoor Oo La Kulmay Madaxweynaha Dalka Jabuuti

Sheeko:Caalamka

Madaxweynaha Dowladda Galmudug Mudane. Axmed Cabdi Kaariye ‘Qoorqoor’ ayaa maanta kulan la qaatay Madaxweynaha dalka Jabuuti Md. Ismaaciil Cumar Geelle.

Kulankaan oo ka dhacay qasriga madaxtooyada Jabuuti ayay madaxda uga wada hadleen arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin iskaashiga dhinacyada horumarinta dhaqaalaha, ganacsiga iyo amniga.

Madaxweynaha Galmudug waxaa ku wehliyay shirkaan wasiirada Amniga, arrimaha gudaha,gaadiidka iyo masuuliyiin kale. Dhinaca kale waxaa madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ku wehliyay kulankaan Wasiirka Arrimaha Gudaha, Wasiirka Gaadiidka, maareeyaha Guud ee dekadaha Jabuuti iyo Danjiraha Jabuuti u jooga Soomaaliya.

Eeg Sawirada Kulamadii Dhexmaray Madaxweyne Qoor-Qoor Iyo Madaxwyne Geele

     

Goobjoog News