U bood dhigaalka

Madaxweynaha Galmudug oo Muqdisho Kula Kulmay Guddiga Farsamo Ee Doorashooyinka

Sheeko:Baarlamaanka

Madaxweynaha dowlad goboleedka Glamudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor oo maanta dib uga soo laabtay safar uu ugu maqnaa wadanka Turiga ayaa soo gaaray magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Soo dhoweyn kadib madaxweynaha ayaa kulan waxaa uu la qaatay guddiga farsamo ee kasoo talo-bixinta arrimaha doorashooyinka, kahor shirka Dhuusamareeb 6,  kaas oo la filaayo inuu qabsoomo laba maalin kadib oo ah 15 bisha.

Madaxweynaha oo saxaafada la hadlay ayaa ka warbixiyey safarkiisii Turkiga iyo arrimaha ku aadan shirka isaga oo yiri” Waxaan idiin kugu imaanay inaan idiin soo salanno, oo aan idiin ku dhiiro gelinno, maadaama aan annagu nahay Galmudug oo guddigaan uu ka soo baxay, oo haddana ay tahay goobta ay taallo gogosha caasimadda Galmudug. Waxaan idiin leenahay howshiina horay u wata, gogoshiina waa diyaar waxaan sugaynaa inaad imaatan”

Goobjoog News