U bood dhigaalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo Muqdisho Ka Furay Shirweynaha Waxbarashada Dalka

Sheeko:Waxbarashada
Shirweynaha waxbarashada Soomaaliya ayaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho, waxaana shirkaan furay Madaxweynaha Jamhuuriyadda, iyadoo ay ka soo qeyb galayaan bahda waxbarashada dalka oo ay ugu horeeyaan wasiirrada wasaaradda waxbarashada heer federaal iyo heer dowlad goboleed.
Madasha shirka ayaa sidoo kale waxaa ka qeybgalay  aqoonyahano Soomaaliyeed oo ku xeel-dheer arrimaha waxbarashada, culima’udiin iyo wafuud caalami ah ayaa ka soo qeyb-gashay shirkaan, waxaana shirkaan oo socon doona 5 maalmood lagu gorfeynayaa hormarinta waxbarashada dalka.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya  Xasan Sheekh Maxamuud oo shirkaan furay ayaa ka hadalay muhiimadda ay leedahay waxbarashada, isaga oo yiri”Dowladda Soomaaliya teeramkaan 4ta sano ah waxaa u qorsheysan in ay qaadato ugu yaraan 10 kun oo macallimiin cusub ah oo ka shaqeyn doono waxbarashada Dalka”ayuu ka shaaciyay madasha shirka.
Shirkaan ayaa waxaa soo qabanqaabisay wasaaradda waxbarashada Hiddaha iyo tacliinta sare, waxaana sidoo kale lagu soo bandhigayay manhajka dalka, kaas oo wasaaradda waxbarashadu ay diyaarisay oo ku qoran afka Afsoomaaliga, dhammaan martida shirka ayaa isla qiray muhiimadda Waxbarashada.
Goobjoog News