U bood dhigaalka

Madaxweynaha Kenya oo Ka Hadlay Goorta Ciidankiisa ay Ka Baxayaan Soomaaliya

Sheeko:Caalamka

Madaxweynaha cusub ee Dalka Kenya William  Ruto ayaa ka hadlay suurta galnimada ciidamada dalkiisa ay dib uga soo bixi karaan Soomaaliya, ” Ciidankaasi waxay dalka ku soo laabanayaan marka ay gutaan waajibaadka ay ka hayaan Soomaaliya, waa 15 toban sano oo ay halkaas saaxiibbo na la joogeen waana la dhacsannahay” ayuu yiri isaga oo la hadlayay France 24 tv.

William Ruto oo wax laga weydiiyay faragelinta dowladdiisa ay ku sameysay Soomaaliya ayuu sheegay xilligaan Soomaaliya xaaladeeda in ay kasoo reynayso sidii hore ” Waxaan isleeyahay xaaladdu waa ka soo reyneysaa marka la eego doorashadii madaxweyne Xasan oo aan la kulmay laba jeer, aragti cad ayuu ka leeyahay halka aan u soconno, waxaan isleeyahay aad ayey uga go’an tahay la dagaallanka Alshabaab, go’aankiisuna waa noo cad yahay” ayuu yiri madaxweynaha Kenya.

Madaxweyne dalka Kenya waxaa uu sheegay xasilooni darrida ka jirta Soomaaliya in ay halis ku tahay dalkiisa, sidaa owgeed laga shaqeynayo xasiloonida Soomaaliya” Waxaan la shaqeyneynaa saaxiibbo ay ka mid yihiin Mareynkanka iyo saaxiibbo kale oo arrimaha Soomaaliya ku lug leh, markaasna waan xasilin karnaa Soomaaliya, Soomaaliya oo aan xasillooneyn waxay qatar ku tahay dhammaanteen, waxay sababeysaa argagixiso, xasillooni darro waxayna saameyneysaa Kenya” ayuu yiri.

Ugu dambeyn madaxweynaha dalka Kenya ayaa waxaa la su’aalay waqtiga ugu dambeeyo ee dowladdiisu ay qorsheynayso in ciidanka Kenya ay isaga baxaan Soomaaliya oo ay dib ugu laabtaan dalkooda” Dadka Kenya waxay la tahay in ciidankaas shalay la geeyey, sidoo kalena waa la dhacsan yihiin in joogitaankeenna Soomaaliya aysan muhiim u ahayn Soomaaliya oo kaliya, danta kenya ayaa ka sii muhiimsan” ayuu ku yiri gabagabadii wareysigiisa William Ruto oo la hadlayay France 24Tv.

Hadalkaan kasoo baxay madaxweynaha dalka Kenya ayaa waxaa uu kusoo aadayaa iyadoo ciidamo ka tirsan ay ku sugan yihiin Jubbooyinka, kuwaas oo kamid ah nabad ilaalinta midowga Afrika ee ATIMIS, waxaana ay Soomaaliya ku sugan yihiin ku dhowaad 15 sano, iyagoo dagaallo badan la galay dagalamayaasha Al-shabaab oo weerarro  ka geystay gudaha Kenya.

Goobjoog News