U bood dhigaalka

Madaxweynaha Maraykanka Oo Sheegay In Xalinta Hubka Nukleerka Ay Isticmaasho Kuuriyada Waqooyi Uu La Kaashan Doono Shiinaha

Sheeko:Caalamka

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa waxa uu sheegay in Maraykanka uu xal u heli doono dhibaatada dhanka hubka Nukleerka, kaasi oo ay isticmaasho Kuuriyada waqooyi isagoo tilmaamay in arintaasi uu la kaashan doono dowladda China .

Madaxweyne Turmp ayaa waxa uu sheegay hadaysan ka qeyb qaadan dowladda Shiinaha  sidii xal loogu heli lahaa Nukleerka ay isticmaasho kuuriyada waqooyi, ayaa waxa uu sheegay in asaga uu ka shaqeyn doono arrintaasi sidii xal loogu heli lahaa.

Hadalka Donald Trump ayaa waxa uu ku soo beegmayaa xilli madaxweynaha waddanka Shiinaha lagu wado inuu booqasho rasmi ah uu ku tago waddanka Maraykanka todobaadka soo socda.

Madaxweynaha Maraykanka ayaa ugu dambeyn waxa uu sheegay dowladda Shiinaha inay tahay dowlad ka awood weyn dowladda Kuuriyada Waqooyi, isagoo tilmaamay inay ka sugayaan Shiinaha inay ka caawiso sidii xal loogu heli lahaa arrinta ku saabsan Nukleerka Kuuriyada waqooyi.

Goobjoog News