U bood dhigaalka

Madaxweynaha Qoorqoor oo Furay Kalfadhiga 6-aad Ee Baarlamaanka Galmudug

Sheeko:Baarlamaanka
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka  Galmudug,  Axmed Cabdi Kaariye, ayaa maanta furay kalfadhiga 6-aad ee Baarlamaanka Galmudug oo  ka furmay Xarunta Baarlamaanka ee magaalada Dhuusamarreeb.
Munaasabadda furitaanka ayaa waxaa sidoo kale goobjoob ahaa Madaxweyne ku xigeenka Galmudug mudane Cali Dahir Ciid, guddoomiyaha Baarlamaanka iyo ku-xigeennadiisa.
Madaxweynaha ayaa munaasabadda ka jeediyay khudbad dhinacyo badan taabanaysa oo ay ugu horeyso guulaha laga gaaray dhanka amniga, dhismaha dowladaha hoose, dhaqaalaha, adeegga bulshada iyo mashaariicda horumarineed.
Madaxweynaha ayaa dhinaca kale u mahad celiyay Baarlamaanka Galmudug iyo howlihii ay soo qabteen shantii kalfadhi ee hore, wuxuuna kula dardaarmay in la dardargeliyo howlo qorsheedka horyaalla kalfadhigan lixaad ee baarlamaanka.
Ugu danbeyntii, Madaxweynaha ayaa si rasmi ah u furay Kalfadhiga 6aad ee Baarlamaanka Dowladda Galmudug, waxaana uu kusoo aadayaa xilli Galmudug ay ka socdaan howlgallo ka dhan ah Al-shabaab.