U bood dhigaalka

Madaxweynaha Ruushka oo Booqanaya Turkiga Xilli La Amray in Lasoo Xiro

Sheeko:Caalamka

Madaxweynaha Turkiga Tayyib Erdogan ayaa Arbacadii sheegay in dhigiisa Ruushka Vladimir Putin laga yaabo inuu booqdo Turkiga 27-ka bisha soo socota ee Abriil, si uu u daah-furayo koronto-dhaliyaha tamarta Nukliyeerka ee ugu horreeyay ee ay dhisto shirkadda tamarta Nukliyeerka ee Ruushka ee Rosatom.

“Waxaa laga yaabaa inay jirto suurtagalnimada in Mr Putin uu yimaado 27-ka Abriil, ama waxaa laga yaabaa inaan ka dhigno xafladda caleema-saarka mid online ah” ayuu Erdogan ku yiri faallooyin laga sii daayay telefishinka ATV ee dalkaas Turkiga, Putin ayaa Turkiga booqday, kadib dagaalkii uu ku qaaday Ukrine.

Horraantii bishaan, maxkamada caalamiga ah ee dambiyada (ICC) ayaa soo saartay amar lagu soo xirayo Putin, maadaama lagu eedeeyay dambiyo dagaal oo ka dhacay Ukraine, taasoo keentay caro ka timid Aqalka madaxtooyada Ruushka ee Kremlin. Laakiin Turkigu qayb kama aha heshiiskii Rome, ee lagu dhisay maxkamadda caaslamiga ah ee dambiyada dagaalka.

Turkiga ayaa shidaalkii ugu horeeyay ee Nukliyeer ah ku shubi doona qeybta ugu horeysa ee tamarta Nukliyeerka ee magaalada Akkuyu, labada dowladood ayaa waxaa ka dhaxeeya iskaashi dhanka Milatariga ah, tan iyo markii cunaqabateynta lagu soo rogay dalka Turkiga ee 100 sano, kaas oo ku eg sanadkaan 2023.

Goobjoog News