U bood dhigaalka

Madaxweynaha Soomaaliya oo Kulan La Qaatay Hoggaamiyaha Sare Dowladda Ee Sudan

Sheeko:Caalamka
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan doceed kula yeeshay magaalada New York, Hoggaamiyaha Golaha Sare ee dalka Suudaan Mudane Cabdifataax Cabdiraxmaan Al-burhaan
Madaxweynaha ayaa la wadaagay dhiggiisa Dalka Suudaan dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan xasilinta iyo horumarinta dalka, gaar ahaan halganka isku dhafka ah ee ciidamada iyo shacabka Soomaaliyeed ay wadaan ee dalka lagaga xoreynayo argagixisada.
Madaxwaynaha ayaa uga mahad celiyey shacabka iyo Dowladda Suudaan, garab istaagga joogtada ah ee ay u muujiyeen shacabka Soomaaliyeed oo ay wadaagaan xiriir soo jireen ah oo ku dhisan iskaashi iyo walaalnimo.
Dhankiisa, Madaxweyne Cabdulfataax Al-burhaan ayaa ku bogaadiyey Dowladda Federaalka Soomaaliya tallaabooyinka dowlad dhiska ah ee la qaaday, isagoona sheegay in dalkiisu uu sii wadayo taageeridda iyo xaqiijinta midnimada, amniga iyo horumarka Soomaaliya.
Labada Madaxweyne ayaa iska xog-wareystay xaaladda Gobolka iyo caqabadaha jira, iyadoo Madaxweyne Xasan Sheekh uu u sheegay dhiggiisa Dalka Suudaan in Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay ku shaqeynayaan aragtida Soomaali heshiis ah, dunidana heshiis la ah, sidaas awgeedna ay mudnaanta siinayaan yareynta khilaafaadka iyo xasillooni darrida Gobolka.
Madaxweyne Xasan ayaa wali ku sugan magaalada New York ee dalka Mareykanka, halkaas uu kaga qeyb galay meertada 77-aad ee shirka umadaha midoobey, waxaana uu kulan dooceedyo kale duwan uu la qaatay madax dhower ah, kuwaas oo saaxiib la ah Soomaaliya ama daneeyo arrimaheeda, waxaana xilligaan Soomaaliya ka jiera abaar baahsan iyo dagaallo ay wadaan ciidanka dowladda iyo dadka deegaannada oo lagu diidan yahay Al-shabaab.
Goobjoog News