U bood dhigaalka

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh iyo Madaxweynaha Masar Cabdifataax Siisii oo Kulmaya

Sheeko:Caalamka

Xasan Sheekh iyo Cabdifataax SisiMadaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa in uu todobaadka dambe magaalada Qaahiro kula kulmo madaxweynaha dalka Masar Cabdifataax Siisi sida wakaaladda wararka ee dalka Turkiga Anatolia ay kasoo xigatay sargaal sare oo ka tirsan dowladda Masar.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Qaahira tagaya 29-ka bisha, waxana uu halkaasi ku joogayaa booqasho rasmi ah oo 2 maalmood ah, isaga oo sidoo kale kulan la yeelanaya ururka Jaamacadda Carrabta, isaga oo kala hadlaya arrimaha Soomaaliya.

Wuxuu noqonayaa kulankii labaad ee dhexmara madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Masar Cabdifataax Siisi, horey waxa ay u kulmeen xiligii caleemo saarka madaxweynaha Masar.

Goobjoog News