U bood dhigaalka

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyoo Shil Gaari Ku Galay Caasimadda Kyiv

Sheeko:Caalamka

Madaxweynaha dalka Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa galay shil gaari, xilli uu ku socdaalayay qeybo kamid ah magaalada caasimadda ah  Kyiv, sida uu warbaahinta u sheegay Sergii Nykyforov oo ah afhayeenka madaxtooyada. Shilka ayaa waxaa uu yimid kadib markii gaari Rakaab ah uu ku dhacay gawaarida maxtooyada dalka Ukraine.

Dhaqaatiirta caafimaadka ayaa sheegay inuu madaxweynuha wax halis ah aysan kasoo gaarin shilka gaari ee dhacay, laakiin waxaa dhaac soo gaaray wadihii gaariga Xamuulka ah “Madaxweynaha waxaa markiiba baaritaan ku sameeyay dhakhtarkiisa, waxa uuna caddeeyay in wax dhaawac oo halis ah uusan soo gaarin,” ayuu yiri.

Mr Nykyforov ayaa sheegay in dhammaan arrimaha la xiriira shilka gaadiidka ay baarayeen saraakiisha amniga. Faah faahin intaas dhaafsiisan ma uusan bixin, shilka ayaa yimid xilli madaxweyne Zelensky Arbacadii uu booqasho ku tagay magaalo ay dib ciidankiisa uga qabsadeen oo  Ruushka u ahayd xudunta saadka ee waqooyi-bari Ukraine.

Goobjoog News