U bood dhigaalka

Madaxweyne Axmed Madoobe oo Furay Kalfadhiga 2aad ee Baarlamaanka Jubbaland

Sheeko:Baarlamaanka

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam(Axmed Madoobe) ayaa furay kalfadhiga labaad ee baarlamaanka maamulka.

Kalfadhigan ayaa ka furmay xarunta golaha ee magaalada Kismaayo maalintii shalay, waxaana shir guddoominayay guddoomiyaha baarlamaanka Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan.

Madaxweyne Axmed Madoobe oo baarlamaanka u jeediyay khudbad aad u dheer ayaa waxa uu hadalkiisa ku bilaabay qiimaha wakhtiga lagu soo beegay furitaanka kalfadhiga:

“Waxaa maanta sharaf weyn ii ah inaan idinkala soo qeyb galo furitaanka kalfadhiga 2aad ee baarlamaanka 1aad ee Jubbaland, waxa uu ku aaddan yahay bil aad u fiican, oo bil camal kasta oo kheyri ah oo la bilaabo ay khayr ku dhamaadaan”.

Madaxweynaha ayaa baarlamaanka uga xog waramay xaaladda guud ee Soomaaliya iyo doorashooyinka 2016, isagoo sheegay inaaney jiri doonin wax muddo kororsi ah oo loo sameynayo xukuumadda hadda jirta intay doontaba ha la’ekaatee isagoo baarlamaanka u faahfaahiyay qaabka ay doorashada baarlamaanku uga dhacayso guud ahaan dalka.

Waxa uu ka waramay xaaladda Jubbaland iyo dadaalkii dheeraa iyo wakhtigii uu ku bixiyay nabadda iyo in wax lawada dhisto, isagoo sheegay inaanuu jirin qof kaligii wax qabsan karaa, qof kaligii guulo gaadhi kara, qof inta laabta uu garaaco waxa uu rabo kaligii meel marsan karaana majiro, gacmo wadajir bay wax ku yihiin, ayuu yiri.

Waxa uu ka hadlay shaqada baarlamaanka u taalla isagoo u sheegay in geeddi dheer la galayo, waxa uu ka waramay dhaqaale darida iyo mushaar xumida, waxaanuu xubnaha u sheegay in sistamkii dhaqaaluhu aanuu uruursaneyn, waxa uu sheegay in wafti loo diri doono dhamaan deegaanada Jubbaland oo ka kooban wasiirada ay khusayso iyo xubano baarlamaan si dib loogu soo nooleeyo haykalkii dowladnimo ee deegaanadaas.

Ugu dambeyn, Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa waxa uu ku dhawaaqay furitaanka kalfadhiga 2aad ee baarlamaanka Jubbaland.

Goobjoog News