U bood dhigaalka

Madaxweyne Biixi: Yeeli-meyno Waxyeeleynta Qarankeena

Sheeko:Baarlamaanka

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa eedeyn u jeediyey dowladda federaalka Soomaaliya, xili uu khudbad ka jeedinayey shirweynaha  4-aad ee xisbiga talada haya ee Kulmiye.

Madaxweyne Muuse ayaa sheegay in Somaliland aysan marnaba aqbalaynin in la farageliyo, waxaana uu xusay in dowladda federaalka oo ka faaiideysanayso aqoonsiga ay ka heysato caalamka ay ku soo qaaday dagaal Diplomaasiyadeed” In kastoo aanaan heysan dhaqaale badan, hadana yeeli meyno in waxyeeleynta qarankeena dhaqaale loogu soo gambado,” ayuu yiri Madaxweyne Muuse Biixi.

Somaliland ayaa muddo 30 sano ah waxaa ay raadinaysaa aqoonsi caalami ah, waxaana ay Somaliland ay sheegay in Soomaaliya ay ka baxday kalana laabatay midowgii 1960-kii oo labada dhinac ay ku midoobeen Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Goobjoog News