U bood dhigaalka

Madaxweyne Cali Guudlaawe oo Furay Kalfadhiga 3-aad Baarlamaanka Hirshabeelle

Sheeko:Baarlamaanka

Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen oo uu wehliyo madaxweyne ku xigeenka maamulka mudane Yuusuf Axmed Hagar ayaa maanta furay kalfadhiga 3-aad Baarlamaanka 2aad ee muumul goboleedka Hirshabeelle,kaas oo ka furmay magaalada Jowhar ee xarunta u ah maamulka.

Munaasabada furitaanka Kalfadhiga 3-aad ee golaha wakiillada ayaa  waxaa ka qeybgalay wasiirro Salaadiin iyo qeybaha kale duwan ee bulshada, madaxwaynaha oo jeedinayay khudbadda dastuuriga ah ee furitaanka kalfadhiga golaha  ee baarlamaanka ayaa ka hadlay xaaladaha guud ee amaanka, howlgalada ka socda maamulka.

Madaxweyne Cali Guud laawe ayaa sidoo kale ka hadlay arrimaha heshiisiinta reer Hirshabeelle oo maraya meel wanaagsan, horumarinta dhaqaalaha, kobcinta dakhliga gudaha, dhameystirka golayaasha deegaanka ee degmooyinka Hirshabeelle iyo dhismaha golaha cusub ee Wasiiradda Hirshabeelle oo maalmaha soo socda la magacaabi doono.

Madaxweynaha ayaa gudoonka iyo mudanayaasha Baarlamaanka uga mahadceliyay gudashada waajibaadkooda dastuuriga ah waxa uuna ka dalbaday inay xoojiyaan u shaqeynta bulshada iyo la xisaabtanka Xukuumadda uu hoggaamiyo, maamulka Hirshabeelle ayaa wali ku guuleysay inuu u guuro caasimadda rasmiga ah ee Buulo-Burde oo go’doonsan.

Goobjoog News