U bood dhigaalka

Deni iyo Isimada Puntland Oo Heshiis Ka Gaaray Kuraasta HOP#198 iyo HOP#199

Sheeko:Baarlamaanka

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cadullaahi Deni iyo Isimada mid kamid beelaha Puntland dega ayaa kulan ay la qaateen waxaa isfahan laga gaaray habraacyada kuraas ka tirsan golaha shacabka ee HOP#198 iyo HOP#199.

Siciid Deni iyo Isimada oo ku kulmay madaxtoooyada Garoowe ayaa ku heshiiyay in tartan furan laga dhigo Kuraastaan si waafaqsan Habraaca Doorashada dadban ee Golaha Shacabka Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ee horay la isugu raacay.

Isimada beesha Cumar Maxamuud ayaa habeen ka hor Madaxweynaha Deni u gudbiyay Go’aankooda la xiriira in aan cid gaar ah loo xirin Kuraasta balse tartan furan loo galo si loo ilaaliyo hufnaanta Doorashada, loona ogalaado in loo tartamo.

Goobjoog News