U bood dhigaalka

Madaxweyne Deni: Mas’uuliyadda Wixii Baarlamaanka Ka Dhacay Waxaa Qaadayo Farmaajo

Sheeko:Baarlamaanka

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdillaahi Deni, oo magaalada Gaalkacyo ku shir guddoomiyey kulanka golaha wasiirrada maamulkaasi ayaa  ka hadlay xil ka qaadistii lagu sameeyey ra,iisalwasaarihii dalka , isaga oo  sharci darro ku tilmaamay wixii ka dhacay golaha shacabka iyo  inaan habraac loo marin cayrintii Xasan Kheyre.

Madaxweyne Deni ayaa xusay in arrintaan lagu lagu hagal daacinaayo shirkii lagu balamay in la isugu soo laabto magalaada Dhuusamreeb, waxaana mas’uuliyadda arrintaas uu ku eedeeyey madaxweynaha dowladda federaalka Maxamed Cabdullaahi Farmajo” Maalintii 25 aheyd, waxaa dhacay, waxaan ku tilmaami karno inuu salsaal siyaasad ahaa oo annagu aanan filaneyni Puntland ahaan xogtiisana aan war u heynin. Lakiin shalay ilaa xalay markii aan dib u akhrinay waxii dhacaayey doodo badanna aan ka galnay, ay noo soo baxday wixii halkaas ka dhacay in ay aheyd wixii quruxda badanaa ee ka soo baxay shirkii Dhuusamareeb iyo yididiiladii la qabay ee ahaa in horay loo socdo wax lagu hagal- daacinayo , oo la rabo in lagu burburiyo” ayuu yiri madaxweyne maamulka Puntland Siciid Cabdillaahi Deni.

Madaxweynaha oo hadalkiisa siiwato  ayaa yiri” Arrintaas waxaan mas’uuliyadeeda saarayaa madaxweynaha jamhuuriyadda, waayo wixii uu noosheegayey iyo wixii aan ku heshiinay dhan waxaan aheyn ayuu ku dhaqaaqay, habeenkii shirku dhacaayey innaga oo la nimidsam, khudbadihii dadkuna u arkaayeen kuwo isku soo dhaweyn ah, khudbaddiisa waxaa ay hordhac u aheynd inuu wixii aan meesha aan ku gaarnay uusan raali ka aheyn, ajandayaal kale uu watay, waxaana aad uga xumay wixii ka dhacay baarlamaanka Soomaaliya” ayuu yiri madaxweyne Deni.

Sidoo kale madaxweyne Deni maamulka Puntland ayaa  sheegay in Xasan Cali Kheyre ay ka go’neyd fulinta wixii lagu gaaray magaalada Dhuusamareeb, waxaana uu intaas ku daray inuu ahmiyad weyn u hayey inuu gaarsiiyo dalka  doorasho waqtigeeda ka dhacda oo suurto gal ah” Waxaan rabaa inaan bulshada Soomaaliyeed aan u cadeeyo muddadii wada shaqeyntu naga dhaxeysay dowladda federaalka,  wada shaqeynteenuna aysan fiicneyn aniga oo kala saareyn madaxweynaha iyo ra’iisalwasaaraha, laakiin muddadii aan joognay Galmudug, waxaa ii muuqanaysay  ra’iisalwasaaha inuu diyaar u ahaa inuu fuliyo wixii lagu heshiiyey, oo uu nagala hadlayey waxyaabaha iyo sida ay u fuli doonto oo ahmiyad uu u hayey inuu dalka doorasho la gaarsiiyo waqtigeeda ku dhacda oo suurto gal ah oo ah midda qof weliba u filaayey oo ah doorasho dadban inuu qanaacadaas qabay” ayuu yiri Siciid  Cabdillaahi Deni.

Dhanka kale madaxweynaha maamulka Puntland  ayaa xusay  in xil ka qaadista ra’iisalwasaaraha ay sabab u tahay inuu daacad  wixii ay ku heshiiyeen dowladda federaalka dowlad goboleedyada markii ay ku kulmeen magaalada Dhuusamareeb ee Galmudug”  Xilka sida sharci darrada ah ee laga qaaday ee la yidhi waa laga qaaday, waxaa uu sababsaday in wixii dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah ay ku heshiiyeen inuu daacad ka ahaa inuu fuliyo, cidda ka qaaday waxaa ay u muuqanay wixii halkaas looga heshiiyey in aysan daacad ka aheyn .Baarlamaanka wixii uu sameeyey waxaa muuqanayso in uusan marin hab raacyadii, xilku waa meerto ra’iisalwasaaraha shalay waa la magacaabay, baarlamaanka ayaa ogolaaday balaamank awood ayuu u leeyahay inuu ka qaado, wixii meeshaas ka dhacay waxaa dhammaan ka hor imaanayaan shuruucdii dalka u yaalay” ayuu madaxwene Siciid Cabdillaahi Deni.

Ugu dambeyn madaxweyne Deni ayaa markii ugu horeysay shaaciyey wixii looga hadlay kulankii saxaafadda dibad jooga ka aheyd ee dhx maray isaga madaxweyne Farmaajo iyo madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Madoobe” Madaxweynuhu waxaa uu aad diiradda u saarayey inaan kala shaqeeyo, ajande dalka uu markaa u dhigayey doorasho qof iyo cod ah laga qaban karo, oo muddada lagu gaari karo aysan ciyimneyn, inta ay qaadanayso oo u muuqanaysa dowladdu in ay rabto in waqtiga loo kordhiyo. Waxaan aad u faahfaahiyey marxalada hadda dalka marayo ay tahay marxalad xasaasi ah ay adag tahay inaan ka shaqeyno wax aysan suurto gal aheyn in dalka uu samatobixiyo dadka Soomaaliyeedna ay soo dhoweeyaan war-murtiyeedkii dowladaha xubnaha ka ah ka soo baxay ay ka hor imaanayso maadaama cid weliba ay sheegtay in doorashadu waqtigeeda ku dhacdo”ayuu yiri Siciid Deni.

Goobjoog News