U bood dhigaalka

Madaxweyne Deni Oo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Ku Eedeeyey Jabinta Dastuurka

Sheeko:Baarlamaanka

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdillaahi Deni ayaa goddomiyaha golaha shacabka ee baarlmaanka federaalka Soomaaliya, Maxamed Mursal Sheikh, waxaa uu ku eedeeyey inuu jabiyey dastuurka, kadib markii guddoomiyaha uu ka dhawaajiyey in sharciyada qaar aysan khuseynin golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka.

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in labada goole ee Baarlaamaanka ay yihiin kuwo iskorjoogteynaya, sidaas darteedna hadalka guddoomiyaha uu ka hor imaanayo dastuuurka dalka, waxaana sidoo kale uu ku eedeeyey xukuumadda wada shaqeyn la’aanta golaha aqalka sare oo ah mida ugu muhiimsan sida uu hadalka uu u dhigay.

“Waxaa la yaab leh in guddoonkii uu si cad u yiraahdo, arrimaha ku saabsan doorashooyinka aqalka sare waxba kuma lahan, annaga ayaa axsaan u sameyn jirnay, waa hadal duuban oo jira.Waxaan ka xumahay guddoomiye Mursal oo saaxiibkay ah, oo muddo dheer aan isnaqaanay in fahamka nuucaas ah in maskaxdiisa ay ku jirto iyo inuu dano kale leeyahay garan maayo, aqoon darro ayaa u geysay oran maayo oo kuma tumaayo, laakiin inuu sidaas u fahmo oo dadka uu la hadlaayo uu moodo dad aan waxba kala garaneyn, maxaa yeelay Baarlamaanku waa labo aqal, hoose iyo mid sare, oo iskorjoogteynaayo, xeerarka waxaa ay ka imaan karaan Baarlamaanka, waxaa ay ka imaan karaan kan sare, waxaa ay ka imaan karaan xukuumadda ama waxaa ay ka imaan karaan dadweynah” ayuu yiri madaxweynaha.

Madaxweynaha Deni oo sii hadalaayo ayaa yiri”  Xeerarka markii la ansixinaayo waa in waa in aqalka sare loo soo gudbiyaa uu wax kabedelaa, ama sidiisa ku waafaqaa oo markaas kadib la celiyaa, oo madaxweynaha uu ku soo saaraa faafin rasmiya. Xeerar maalmo dhoweed aad loo sameynayey oo aan habraacii dhan aan marin, in ay mari waayaan mararka qaarkood, haddii siyaasad loola jeeda marmar waa la sameeyaa , hadana la la soo indho adag yahay loogama baahna aqalka sare in la yiraahdo. Xukuumadda uu goggaamiyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxaan ka aragnaa hab la dhaqan aan wanaagsaneyn aqalka sare, oo weliba ah aqalka ugu muhiimsan marka laga hadlaayo dowladda federaalka, maxaa yeelay aqlka sare waa aqalka matalo dowlad goboleedyada” ayuu yiri Deni.

Hadalka ka soo baxay madaxweynaha dowlad goboleedka Puntlan Siciid Cabdillaahi Deni ayaa waxaa uu ku soo aadaay iyadoo uusan wanaagsaneyn cilaaqaaka ka dhaxeeyo labada aqal ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya, waxaa sidoo kale mugdi ku jiraa wada shaqeynta aqalka sare iyo xukuumadda federaalka Soomaaliya, waxaana mar weliba soo laabto khilaafka labada dhinac, kaas oo ku qotoma arrimo la xiriira awoosdaha ay kala leeyihiin labada gole ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya, taas oo hoos riday habsi u socodka shaqada labada gole ee BJFS.

Goobjoog News