U bood dhigaalka

Madaxweyne Deni oo Hambaleeyay Ra’iisulwasaare Barre

Sheeko:Baarlamaanka

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hambalyo u diray Ra’iisulwasaaraha cusub ee xukuumadda federalka ee Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo loo magacaabay Ra’iisal Wasaaraha 21-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya.

“Waxaan hambalyo iyo boggaadin u diraya Xildhibaan Xamse Cabdi Barre oo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Feferalka Soomaaliya  Mudane Xasan Shiikh Maxamuud, u magacaabay Ra’iisal Wasaaraaha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya ”  Ayuu yiri Siciid Cabdillaahi Deni oo hambalyeeyay Xamze.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland ayaa sidoo kale Ra’iisulwasaaraha la magaacabay waxaa uu  u rajeeyay Ra’iisal  in alle u fududeeyo mas’uuliyadda “Waxaan Ra’iisal Wasaaraha cusub u rajeynaya in alle u fududeeyo masuuliyadda loo igmaday”  ayuu ku yiri gabagabadii qoraalkiisa.

Goobjoog News