U bood dhigaalka

Madaxweyne Deni oo Maanta Furaya Kalfadhiga 46aad Ee Golaha Wakiillada Puntland

Sheeko:Baarlamaanka

Waxaa maanta lagu wadaa in magaalada Garowe ee caasimaadda dowlad goboleedka Puntland uu ka furmo kalfadhigii 46-aad ee golaha Wakiillada maamulkaasi.

Furitaanka Kalfadhiga waxaa ka qayb galaya Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo ku- xigeenkiisa Axmed Cilmi Cismaan Axmed Karaash oo labaduba Khudbado ka jeedin doona xafladda furitaanka golaha.

Madaxweyne Deni ayaa laga sugaya in uu soo bandhigo waxqabadka xukuumaddiisa ee Mudadii uu xilka haayey, waxaa  sidoo kale uu ka hadli doonaa  arrimaha siyaasadeed ee Puntland iyo guud ahaan dalka.

Ajandaha Kalfadhigaas waxaa ugu muhiimsan La xisaabtanka xukuumadda iyo dhammaystirka iyo Ansixinta Maxkamadda dastuuriga ah oo Puntland aysan horay u laheyn,  taasi oo muhiim u ah hannaanka xisbiyada badan.

Goobjoog News