U bood dhigaalka

Madaxweyne Deni oo Soo Gaaray Muqdisho

Sheeko:Baarlamaanka
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka  Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho, iyadoo siweyn loogu soo dhoweeyay garoonka diyaardaha ee Aadan Cadde oo ay soo gaartay diyaaradda siday isaga iyo wafdigiisa.
Xildhibaanno ka tirsan labada gole ee Baarlamaanka, xubno ka tirsan maamulka gobolka Banaadir iyo bulshada magaalada Muqdisho ayaa qeyb ka ahaa soo dhoweynta loo sameeyay Siciid Deni, waxaana safarkiisa uu kusoo aadayaa iyadoo dhowaan la dooranayo guddoonka labada aqal ee Baarlamanaka federalka.
Madaxweyne Deni oo u sharaxan madaxweynaha dowaladda federalka Soomaaliya ayaa waxaa lagu wadaa ibya uu ku sugan yahay caasimadda inuu la kulmo madaxda dowladda sida Ra’iisulwasaare Rooble oo ka mas’uul ah doorashada iyo xildhibaannada labada aqal oo dhowaan dooranaya guddoonka Baarlamaanka 11-aad.
Goobjoog News