U bood dhigaalka

Madaxweyne Farmaajo Oo Daah Furay Manhakja Dugsiyada Sare Ee Dalka

Sheeko:Baarlamaanka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ay weheliyaan Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Filish), Wasiirrada iyo Agaasimeyaasha Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa daah-furay Manhajka Waddaniga ah ee Dugsiyada Sare ee dalka.

Madaxweynaha ayaa manhajkan ku daahfuray Dugsiga Maxamuud Mire ee magaalada Muqdisho oo ardayda wax ka barta uu u qeybiyey buugaagta manhajka, waxa uuna ku dhiirri geliyey in ay ka miro dhaliyaan hiigsigooda qofeed iyo tacabka Dowladda iyo qoysaskoodu ay ku bixinayaan.

“Waxaa guul ah in ubadkeenu ay maanta laga bilaabo wax ku baran doonaan Manhaj mideysan oo ka turjumaya dhaqanka, sooyaalka iyo baahida dalkeenna. Dadaal dheer kaddib waxa aynu ku guuleysannay Manhajka Dugsiyada Sare iyada oo horey aynu u soo daahfurnay Manhajka dugsiyada Hoose iyo Dhexe.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa tilmaamay in diyaarinta, daabacaadda iyo hubinta manhajkan ay tahay shaqo waddani ah oo bilow ilaa dhammaad ay qabteen khuburo Soomaaliyeed, taas oo muujinaysa kartida iyo aqoonta bahda qalinleyda Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa muujiyey muhiimadda manhaj mideysan iyo waxbarasho tayo leh ay u leeyihiin kobcinta garaadka iyo garashada jiilasha soo kacaya taas oo aasaas u ah horumarinta dalkeena iyo in dadkeenu ay ka faa’iideystaan khayraadka dabiciiga ah ee ceegaaga dhulkeena.

Dhankiisa, Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Saree ee Dalka Mudane Cabdullaahi Goodax Barre ayaa tilmaamay sida Dowladda ay uga go’an tahay dib u soo nooleynta, mideynta iyo tayeynta nidaamka waxbarashada dalkeenna, iyada oo la kordhiyey maadooyinka Dugsiyada Sare, lana gaarsiiyey 13 Maaddo oo ku diyaarsan Afka Hooyo, Carabi iyo Ingiriisi.

Daawo Madaxweyne Farmaajo Oo Ka Hadlay Manhakja Dugsiyada Sare Ee Dalka

https://www.facebook.com/goobjoognews/videos/2409070946054112/

Goobjoog News