U bood dhigaalka

Madaxweyne Farmaajo Oo Furaya Kalfadhiga 3-aad Ee Baarlamaanka

Sheeko:Baarlamaanka

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed C/laahi Maxamed Farmaaajo ayaa lagu wadaa in maanta oo Sabti ah uu magaalada Muqdisho ka furo Kalfadhiga 3-aad ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Furitaanka Kalfadhigan oo la filayo iney ka qeybgalaan Xildhibaannada Labada aqal, guddoonkooda, xubno ka mid ah xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo marti kale ayaa lagu qaban doonaa dugsiga Gen. Kaahiye

Sida uu qabo dastuurka KMG ee dalka u yaalla, madaxweynaha ayaa khudbad uu kaga hadlayo xaaladda dalka iyo shaqooyinka horyaalla dowladda ka jeedinaya furitaanka iyo xiritaanka kalfadhiyada baarlamaanka Soomaaliya.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News