U bood dhigaalka

Madaxweyne Farmaajo oo Golaha Khudbad Ka Jeedin Doono Si Kalsooni Loo Siiyo Ra’iisalwasaare Rooble

Sheeko:Baarlamaanka

Xaruunta Golaha shacabka ee Barlamaanka Federaalka  Soomaaliya waxa maanta ka qabsoomaya  kulan ujeedkiisu uu yahay sidii codka kalsoonida loogu qaadi lahaa Ra’’iisulwasaaraha magacaaban Maxamed Xuseen Rooble.

Mudanayaasha Barlamaanka ayaa loo diray fariin la xirirta soo xaadirista xarunta Golaha iyo   in codka kalsoonida loo qaado Mr Rooble oo todobaan uu soo magacabay Maxamaed Cabdullaahi  Farmaajo.

Kulanka maanta waxaa khudbad ka hor jeedin doona sidoo madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo, sida lagu  sheegay wargalin loo diray xildhibaannada Golaha shacabka.

Ajendaha koowaad ee kulanka ayaa ah hadal jeedinta Madaxweynaha, waxaana la filayaa in xildhibaanada uu ka codsado inay codkooda kalsoonida siiyaan wasiirka koowaad ee xukuumadiisa.

Tan iyo markii la soo magacaabay Raísulwasaaraha bedelaya Raíisulwasaarihii la eryay Mr Khayre waxa magaalada ka socday olole xoogan oo lagu doonayo in codka kalsoonida la siiyo Rooble.

Hoggaamiyaasha  Maamul Goboleedyada oo Muqdisho ku sugan ayaa wada shirar kala duwan oo ubucda ugu wayn ay yahay in Golaha Shacabka uu meelmariyo Heshiiska Villa Somalia iyo Dowlad-goboleedyada

Todobaadkii hore Madaxweyne Farmaajo ayaa magacabay Ra’iisulwasaare cusub wax yar uun   ka dib markii Heshiiska doorashada ay kala saxiixdeen Villa Somalia iyo Dowlad Goboleedyada.

Goobjoog News