U bood dhigaalka

Madaxweyne Farmaajo Oo Ra’iisul Wasaarihiisa Horgeynaya Golaha Shacabka

Sheeko:Baarlamaanka

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo, ayaa maanta oo Arbaco ah waxa uu golaha shacabka uu horgeynayaa Ra’iisul wasaarihiise Xasan Cali Kheyre.

Waxa uu madaxweynaha furi doonaa Kalfadhigga Koowaad ee golaha shacabka, waxaana halkaasi uu ka jeedin doonaa khudbad dhinacyo badan taabaneysa, isaga oo ka codsan doona xildhibaannada in codka kalsoonida ah ay siiyaan Ra’iisul wasaarihiisa.

Xildhibaannada golaha shacabka ayaa codka kalsoonida ah u qaadi doona Ra’iisul wasaare Kheyre, waxaana haddii ay codka kalsoonida ah siiyaan, mudane kheyre laga sugayaa inuu guda galo dhismaha xukuumaddiisa.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in haddii uu meelmaro Ra’iisul wasaare Kheyre laga doonayo inuu xukuumaddiisa kusoo dhiso muddo 15 cisho ah gudaheeda si aanu waqti usii lumin.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News