U bood dhigaalka

Madaxweyne Farmaajo oo Saxiixay Sharciga Duulista Rayidka

Sheeko:Baarlamaanka

Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saxiixay Sharciga Duulista Rayidka oo ay hore usoo ansixiyeen Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ee Barlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya, Golaha Xukuumadda, Xildhibaannada iyo dhammaan khubaradii Soomaaliyeed ee qaybta ka qaatay uga mahadceliyey dadaalka ay galiyeen sharcigan dhaxal reebka ah.

Dhanka kale, Madaxweyne Farmaajo ayaa u magacaabay Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Mudane Axmed Macalin Xasan, wuxuuna Eebe uga baryay inuu la garab galo masuuliyadda culus ee loo igmaday.Image may contain: 1 person, eyeglasses

Goobjoog News