U bood dhigaalka

Madaxweyne Gaas oo maanta hor tagay baarlamaanka maamulka Puntland

Sheeko:War
Gaas
Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiraxmaan Gaas oo hadal ka jeedinaya baarlamaanka Puntland

Madaxwaynaha maamulka Puntland mudane Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa Maanta Hor tagay Golaha Wakiilada Puntland si uu ugu soo bandhigo waxqabadka maamulkiisa su,aalana uga waydiiyaan.

Madaxwayne Cabdiwali Gaas ayaa khudbadda uu u jeediyay Mudanayaasha Baarlamanka waxa uu uga hadlay xaaladda dalka wax qabadka Puntland,Safaradii uu ku tagay Gobolada Puntland iyo Waliba Safaradii shaqo ee uu ugu baxay Dalka dibadiisa.

‘’Xaalada Dalka Guud ahaan markaan kawaramo Wadanku aad buu u wanagsanyahay Nabad galyo ahaan iyo waliba Siyaasad ahaanba,horumarki xukuumada ee lixdii bilood ee taktayna wax lataaban karo ayaanu qabanay’’Sidaasi waxa yiri Madaxwayne Gaas.

‘’Safarkii aan ku tagay Gobolada Puntland qaytood waxa ay ahaayen Safaro aan ugu kuur galayo Xaalada Dalka,Goboladii iyo degmooyinki aan tagayna waxaan kala kulmay xaalad wanagsan Deganaansho iyo anagoo ukuur-galnay Xaalada Dalka ‘’Ayuu hadalkisa Raaciyay Madaxwayne Gaas.

Madaxwaynaha Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa sidookale tilmaamay in guul weyn uu ku soo dhamaaday Safaro uu ku tagay Dalka Dibadiisa,isagoona kulamo la soo qaatay madaxda dalalka aynu dariska nahay qaybtood.

‘’Wakhti badan ayaanu galinay in dowladu Xog dhab ah ka hayso wadanka gudihiisa sababtoo ah magaran karo anigu hadaanan tagin Ufeyn ama gobolada kale ee dalka Baahida kajirta halkaasi taas ayaana nagu kaliftay in aanu dadka utagno’’Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.