U bood dhigaalka

Madaxweyne Gelle oo Shaaciyay Xilliga uu Banaynayo Madaxtooyada Djibouti

Sheeko:Caalamka

Madaxweynaha wadanka Djibouti Ismaaciil Cumar Geelle oo dalkaas xukumayay tan iyo sanadkii 1999-kii ayaa sheegay in la gaaray xilligii uu ka degi lahaa talada dalkaas, kaas oo lagu sheego in ay ku nool yihiin hal Mullion oo ruux, kadib wareysi uu siiyaya laanta BBC-da oo lagu waydiiyay su’aalo dhowr ah, isaga sidoo kale ka  hadalay xiriirka dalkiisa iyo Soomaaliya.

“Waligeed ma jirin caqabad noo dhaxaysay annaga iyo Soomaaliya, tan iyo sanadkii 2000. Waxaan ka mid nahay taageerayaasha tirada yar. Waligeen kama aannaan cago jiidin, mar walbana waan taageeri jirnay [Soomaaliy] si ay dowladnimadooda usoo ceshtaan.”ayuu yiri xilli uu ka hadlaayay xiriirka dowladdiisa la laheed Soomaaliya 20-kii sano.

Madaxweynaha ayaa sheegay in marka uu dhamaado muddo xileedkiisa oo ku eg 2026-ka uu ka degi doono xilka iyo talada dalka Djibouti oo uu taladiisa hayay muddo 23 sano ah, waxaa sidoo kale uu wareysiga uga hadlay qorshaha  dowladdiisa, mucaaradka, sicirka nolosha, kobaca, halista kooxaha jihaad doonka ah, xiriirka Soomaaliya iyo xasaradaha Itoobiya.

“Ma nihin waddan saliidda soo saara. Ma nihin waddan leh wabiyo oo korontada ka dhaliya gudaha. Waxaan hoos dhigay qiimihii korontada oo horay u sarreeyay. Waddamada dariskeenna ah marka laga reebo Itoobiya, xitaa maba haystaan adeeg koronto oo la isku hallayn karo. Waa inaan ku faanno waxa aan haysanno ilaa hadda,” ayuu yiri isaga oo la hadlayay BBC-da.

Madaxweynaha oo hadalkiisa sii watato waxaa uu sheegay in dowladdiisu aysan halis gooni ah dareemeynin.”Mar walba waan isdifaaci doonnaa. Way dhihi karaan wax kasta oo ay rabaan balse annagu waan kasoo hor jeednaa qalalaasaha, argagixisada, xagjirnimada iyo wax walba oo wax u dhimaya xornimadeenna iyo xornimada dadka kale,” ayuu yiri.

Goobjoog News