U bood dhigaalka

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo Daahfuray Bandhigga Buugaagta Djibouti 2023

Sheeko:Caalamka
Madaxweynaha Jamhuuryadda Djibouti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa maanta magaalada Djibouti si rasmi ah uga furay Bandhigga Buugaagta Djibouti ee sannadkan 2023-ka, iyadoo Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliyana lagu martiqaadey ka qeybgalka munaasabbadaasi.
Bandhigga Buugaagta ee Djbouti ayaa sidoo kale lagu soo beegay Maalinta Buugaagta iyo Xuquuqda Daabacaadda ama Wax Qorista Adduunka – oo ah maalin ay Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan waxbarashada, Sayniska iyo Dhaqanka (UNESCO) u astaysay laga soo bilaabo 1995-kii, si loogu dabaaldego ka faa’iideysiga akhriska iyo buugaagta.
Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Soomaaliya, Mudane Daud Aweis Jama oo Madaxweynaha kala qeybgaley furitaanka bandhigga ayaa ugu horeyn hambalyo kal iyo laab ah u diray dalka aynu walaalaha iyo deriskaba nahay ee Jamhuuriyadda Djibouti, sida ay u garteen muhimadda qiimaha waxbarashada, xuquuqda daabacaada, buugaagta, cilmi baarista iyo aqoonta ay u leeyihiin horumarinta bulshada.
Hal ku dhigga sannadkan ee Bandhiga Buugaagta ee Djibouti ayaa ah “Buuggu Waa Tilmaan Midnimo iyo Tebiyaha Cilmiga, Nabadda iyo Wada Noolaanshaha Geeska Afrika.”, waxaana ii Wasiirka Warfaafinta Mudane Daud Aweis sheegay in hal ku dhiggan uu tilmaamayo baaq ku aaddan iskaashiga iyo wadashaqeynta dhabta ah ee ka dhexeeya waddamada Geeska Afrika oo ku salaysan aqoon wadaagga.
“ Maadaama aanu isku wada waafaqsanahay in aqoontu tahay awood, laakiin waxaa iyana muhiim ah in la wadaago aqoontaas oo ah furaha furaha ka faa’iideysiga awooddaas baaxadda leh. Waxaa marka uu waajib naga wada saran yahay inaan abuurno jawi u oggolaanaya akhriska, qoraalka, xuquuqda daabacaadda, waxbarashada, cilmi-baarista iyo aqoonta oo la wadaago si loo horumariyo danaha muwaadiniinta iyo guud ahaan gobolka” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Soomaaliya.
Wasiirka ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Djibouti gaarsiiyay salaan uu uga sidaydiggiisa  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud. Madaxweynaha Djibouti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa uga mahadceliyay Soomaaliya ka soo qeybgalka bandhiggan, waxaana uu dhankiisa salaan gaar ah iyo bogaadin u soo diray Madaxweynaha.
Goobjoog News