Madaxweynaha dowlad goboleedka Goonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen oo gaaray Jigjiga caasimadda dowlad deegaanka Soomaalida, ayaa kulan la qaatay madaxweynaha maamulkaa Mustafe Maxamed Cagjar, laba madaxweyne ayaa kawada hadlay arrimo dhowr ah oo quseeya dhinacyada amniga
Mas’uuliyiinta ayaa diiradda saaray iskaashiga dhinacyada amniga ee labada maamul, gaar ahaan deegaannada Al-shabaab ay kaga sugan yiihiin Koonfur Galbeed iyo sidii looga saari lahaa, kadib dagaalkii dhowaan ka dhacay xadka gobolka Bokool uu la wadaago dowlad deegaanka ee u dhaxeeyay Alshabaab iyo ciidanka Liyuu Police.
Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida ayaa sheegay in ay ka go’an tahay maamulkiisa in iskaashi buuxa oo dhanka amniga ah ay la sameystaan maamulka Koonfur Galbeed oo xad dhulka ah la wadaaga dowlad deegaan, kaas oo dhowr jeer ay ku dagaalameen xoogag ka tirsan Al-shabaab iyo ciidanka maamulkaas.
Madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen ayaa dhankiisa u mahadceliyay madaxweyne Cagjar, waxaana uu intaas ku daray in diyaar maamulkiisa u yahay inuu xoojiyo iskaashiga amni ee kala dhaxeeya dowlad deegaanka Soomaalida, maadaama, Al-shabaab deegaanno dhowr ah ay ka joogaan Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Goobjoog News