U bood dhigaalka

Madaxweyne Madoobe oo Ka Jawaabay in Dowladda Dhexe Ay Dalabkoodii Ka Jawaabtay iyo In kale

Sheeko:Baarlamaanka

Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe oo maanta dib ugu laabatay magaalada Kismaayo, ayaa warbaahinta kala hadlay hadalkii kasoo yeeray dhiggiisa Galmudug ee ku aadanaa dhexdhexaadinta iyo arrimaha doorashooyinka.

Madaxweyne Madoobe oo arrintaas ka hadlayey ayaa yiri “Dadkii Waraaqadda waday iyo madaxweyne Qoorqoor iyo saaxiibadiis waa nagu soo laaban kareen, ama shir ayaa dhici lahaa oo golayaasha dowladda ay isugu yimaadaan oo madaxweynaha iyo ra’iisawasaaraha iyo kuxigeenkiisa ay yimaadaan oo howshii lagu dhammeystiro, madhicin, sidaan u sugaynay ayaan waxaan maqlaynaa waa la aqbalay heshiiskii jawaabna kama aanan helin qoraal ma aanan helin waa la idiin imaanaana la idiinma oran waxaan isleeyahay ma ahan jawaab waqtigeedii aan dhicin”.

Sidoo klae Madaxweynaha oo sii hadlaayo ayaa yiri “  Waxaan ku talinayaa mas’uuliyadda dadka ma wada raaceyso, nimanka musharraxiinta iyo mucaaradka ah kuligood gar ayey leeyihiin ayey ka hadlayaan, waxaa ay qaadanayso waxaa waaye dadka mas’uuliyadda ku jira oo anigu aan ka mid ahay, markaan anigu caddeeyo inaan doorasho diyaar u ahay inaan diyaar u nahay fulinta heshiiskii 17-kii Setembar Muqdisho aan ku gaarnay inaan diyaar u nahay wadankaas qalqal oo dhan in laga ilaaliyo oo marweliba dowladda aan kala hadlo war hala kala qaado wax xalka laga gaarayo halga gaaro ”.

Dhanka kale oo ka hadlayey arrimaha Gedo ayaa yiri” Markaan ka hadlayo arrinta waxaa laga hadlayaa waxaa laga hadlayaa doorasho, caqabadbaa na haysa dhib ah, ciidanbaa muddo 8-9 bilood ah bannaan jooga, laga barakiciyey, oo Shababkii iyo u dhaxeeya ciidan kale oo aanan ogeyn cidda laga xoreynayo, maamulii ayaa gacanta ka baxay iskuduubnidii dadkii iyo walaalnimadoodii ayaa colaad la dhex dhigay, doorashada markii  ay timaado waxaan aniga iyo madaxweynaha isku waafaqnay iyo ra’iialwasaaraha iyo kuligood in State weliba laba goobood lagu qabto Garbahaarey ayaa kamid ah iyo goobta labaad ee Jubbaland lagu qabanaayo ee Kismaayo, waxaan diyaar u aheyn inaan qabano doorashada, waxaan ka hadleeynay ayaa waxaa ay aheyd war ha la abuuro Environment qaab aan doorasho ku qaban karno Garbahaarey,. Maamul nagama joogo oo maamukii jiray waan garanaynaa sida looga qaaday iyo meesha la geeyey amni laguma aamini karo xaalad weliba waa nagu culus tahay laakiin aan qabanno haddii State uu qabanayo uu xaq u leeyahay waxaa haboon in Stateka loo daayo”

Ugu dambeyn madaxweyne Axmed Madoobe ayaa diray digniin ku aadan inaan dalka lagu maamuli Karin rabitan shaqsiyadeed sida uu hadalka dhigay” Waxaan ka digayaa inaan fariimo aan jirin la isweydaarsado doorashadana la yiraahdo hebel iyo hebelow kaalaya, hebeliyo hebelow bannaanka ka jooga waxa ka imaan karana aan garanayno Soomaaliya haddii ay xamilikarayso Dictatorship anaa iri iyo sidaan hala yeelo ma ayna burburteen dhibaatadana halkaas ma ayna gaarteen waan ka digayaa arrintaa hala isku yimaado, maxaa diidaya in la isku yimaado oo la kulmo madaxweynuhu magaalada Muqdisho ayaa la isugu imaan karaa isaga ayaa maamulo oo awoodeeda leh wadanka dhan ayaa lagu soo dhoweyn karaa” ayuu kusoo gaban gabeeyey hadalkiisa.

Goobjoog News