U bood dhigaalka

Madaxweyne Qoor Qoor Oo Gaaray Wadanka Jabuuti

Sheeko:Caalamka

Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Madaxweynaha Dowladda Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) ayaa galabta soo gaaray Magaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti.

Waxaa garoonka Diyaaradaha Magaalada Jabuuti si diirran ugu soo dhaweeyay madaxweynaha iyo wafdigiisa masuuliyiin kala duwan oo ugu horreeyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowladda Jabuuti, wasiiro iyo xubno kale oo ka tirsan Dowladda Jibuuti, Danjiraha Jabuuti u fadhiya Muqdishu iyo masuuliyiin sare.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa booqasho rasmi ah kusoo gaaray dalka Jabuuti,halkaas oo uu shirar muhiim ah ku yeelan doono madaxda ugu saraysa dalka Jabuuti.

Eeg Sawirada Madaxweyne Qoor Qoor Oo Gaaray Jabuuti

Goobjoog News