U bood dhigaalka

Madaxweynaha Galmudug oo Daah-Furay Dhismaha Golaha Deegaanka Cabudwaaq

Sheeko:Baarlamaanka
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka  Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye, ayaa si rasmi ah u daahfuray dhismaha golaha deeganka dagmada Caabudwaaq, kadib munaasabad lagu qabtay magaalada oo ay kasoo qeyb galeen qeybaha kala duwan ee bulshada degmada Caabudwaaq.
Madaxweynaha ayaa kaga mahadceliyay salaadiinta iyo dhaqanka degmada Caabudwaaq, sida wanaagsan ee ay usoo dhaweeyeen dhisidda Golaha Deegaanka degmada, islamarkana la soo dhisi doono goor dhow golaha deegaanka degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud.
Odayaasha dhaqanka ee degmada Caabudwaaq ayaa xusay inay soo dhaweynayaan dhismaha golaha deegaanka ee degmada Caabudwaaq, iyagoona xusay in guud ahaan shacabka degmada qeybahooda kala duwan ay la shaqeeyaan Wasaaradda Arrimaha Gudaha Galmudug, si loo dhiso golaha deegaanka.
Dhismaha golaha deegaan degmada Cabudwaaq ayaa waxaa uu kusoo adayaa iyadoo dhowaan wasaaradda arrimaha gudaha Galmudug ay sheegtay in la dhameystirayo dhismayaasha golaha ee degmooyinka hoos yimaada Galmudug, iyadoo horey looga dhisay degmooyinka Cadaado iyo Gaalkacyo.
Goobjoog News