U bood dhigaalka

Madaxweyne Qoorqoor oo Dalbaday in Magaalada Guriceel Loo Diyaariyo Degmo Buuxda

Sheeko:Baarlamaanka

Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor oo maalmahaan ku sugnaa magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud ayaa xalay ka qeyb galay munaasabad loo sameeyey isaga, wasiirro ka tirsan golehiisa iyo qaar kamid ah xildhibaannada maamulkaasi, ayaa amar u jeediyey wasaaradda arrimaha gudaha.

Madaxweynaha ayaa wasaaradda ka dalbaday in magaalada Guriceel loo diyaariyo in ay noqoto degmo buuxda wasaaraddana looga baahan yahay in ay horgeyso baarlamaanka si looga doodo, kadib loo meel mariyo sida uu hadalka u dhigay madaxweynaha, mar uu la  hadalayey bulshada magaalada ee ka soo qeyb gashay munaasabadda.

“Guriceel inta la dhaafay Bajaajtii ayaa Bas la’isaga raacaayaa, Guriceel sahan degmonimo way ka dhantahay, degmanimana way u qalantaa, wasiir soo diyaari degmanimadii Guriceel si golaha loo marsiiyo, reer Guriceel haddii inta aan degmo siinno aysan gobol naga dhigga nagu dhihin waan u mahad-celinaynaa”ayuu yiri Mxw/ Qoorqoor.

Magaalada Guriceel ayaa waxaa ay kamid tahay magaalooyinka ugu hormarsan dhanka dhaqaalaha gobolka Galgaduud, waxaana aysan weli ku guulaysan in madaxdii hore ee soo martay maamul goboleedka Galmudug ay raadiyaan maqaam sax ah oo loogu aqoonsado in ay ku  noqoto degmo buuxda oo ka tirsan dowlad goboleedka.

Goobjoog News