U bood dhigaalka

Madaxweyne Qoorqoor oo Gaaray Gaalkacyo

Sheeko:Baarlamaanka

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa maanta gaaray magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, iyadoo halkaas siweyn loogu soo dhoweeyey garoonka diyaaradaha madaxweynaha iyo wadigiisa.

Wasiirro, xildhibaanno ka tirsan maamulka goboleed Galmudug , xildhibaanno ka tirsan federalka, maamulka degmada Gaalkacyo, midka ggobolka Mudug iyo qeybaha bulshada ayaa qeyb ka ahaa soo dhoweynta waddiga gaaray  magaalada.

Safarka madaxweyne Qoorqoor ee magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa uu ku wajahan yahay kulamo uu la qaadan doono waxgaradka iyo bulshada Gaalkacyo ee ku aadan doorashada golaha shacabka oo ay tahay deegaan doorashada Labaad.

Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa waxaa ay tahay deegaan doorashada labaad ee loo asteeyey in ay ka dhacdo doorashada golaha shacabka, waxaana lagu wadaa in 5-ta March lagu doorto 6 kursi oo ka tirsan golaha shacabka.

Goobjoog News