U bood dhigaalka

Madaxweyne Qoorqoor oo Ka Tacsiyeeyey Geerida Xildhibaan Ka Tirsan Galmudug

Sheeko:Baarlamaanka

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa ka tacsiyeeyey geetida allah u naxariistee Xildhibaan Axmed Sheekh Yuusuf (Galti) oo ku geeriyooday Muqdisho.

Qoraal ka soo baxay madaxtooyada ayaa lagu yiri:

Madaxweynaha Galmudug oo ka tacsiyeeyay Geeridii ku timid Allaah Ha unaxariistee Marxuum Xildhibaan Axmed Sh.Yusuf (Galti).

-Waxaan Tasci Tiiraanyo leh udirayaa Qoyskii iyo Qaraabadii uu ka baxay Allaah ha unaxariistee Marxuum Xildhibaan Axmed Sh.Yusuf (Galti) oo maanta ku Geeriyooday Magaalada Moqdisho,
Marxuumku wuxuu ka mid ahaa Xildhibanada Baarlamaanka 2aad ee Galmudug.

Waxaan Allaah uga baryeynaa in uu Janadiisa Fardowso ka waraabiyo
Samir iyo iimana Allaah Hanaga wada siiyo Dhamaan Ehelada,

Asxaabta, shacabka Iyo Xildhibanada iyo Dowlada Galmudug.

Allah u naxariisto xildhibaan Axmed Sheekh Yuusuf (Galti) oo ka tirsanaa xildhibaannada Galmudug ayaa waxaa uu ku geeriyooday isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho, kadib muddo uu xanuunsanaa xildhibaanka.

Goobjoog News