U bood dhigaalka

Madaxweyne Qoorqoor oo La Kulmay Guddigii Doorashada Galmudug

Sheeko:Baarlamaanka
Madaxwaynaha Dowlad Goboleedka  Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor  ayaa maanta waxaa uu  kulan kula qaatay magaalada Gaalkacyo Guddiga doorashada heer dowlad goboleed ee Galmudug, iyo xubno ka tirsan guiddiga heer Federaal.
Madaxwaynaha ayaa guddiga uga mahadceliyay guddiga shaqada adkeyd oo ay qabteen,  waqtigii ay socotay doorashada golaha shacabka Baarlamaanka 11-aad, taas maalintii shalay lagu gabagabeeyey magaalada Gaalkacyo ee  gobolka Mudug.
Kulanka madaxweyne Qoorqoor uu la qaatay guddiga ayaa waxaa uu kusoo aadayaa, xili lasoo gabagabeeyey doorashadii waxaana Galmudud ay noqotay maamulkii labaad ee kusoo gabagabeeya doorashada xildhi waqtigii lagu ballamay ee 15-ka.
Goobjoog News