U bood dhigaalka

Madaxweyne Qoorqoor oo Saxiixay Hindise Sharciyeedyo Dhowr ah

Sheeko:Baarlamaanka
Madaxwaynaha dowlad galmudug Axmed Cabdi Kaariye, ayaa maanta saxiixay hindise sharciyeedyo dhowr ah , kuwaas oo horay u meel  mariyeen golaha wasiirada iyo golaha wakiillada maamulka  Galmudug,waxaana ay gaarayaan ilaa 10 hindise.
Madaxweyne Qoor qoor ayaa sheegay in fursad ay u tahay Galmudug, waxaana  boggaadiyey cid weliba oo qeyb ka aheyd  sharciyadaan in ay meel maraan,waxaana uu xusay  in sharciyadaan ay noqon doonaan kuwo lagu kala baxo, lagu xisaabato.
Munaasabadda ayaa waxaa kasoo qeyb galay guddoomiyaha  Barlamanka Galmudug, Gudoomiye Dr. Mohamed Nuur Gacal, xildhibaanno iyo wasiirro katirsan dowlad goboleedka Galmudug, xildhibaano katirsan labada gole ee dowladda Federaalka.
Sharciyada uu maanta sixiixay madaxwaynaha dowlad goboleedka Galmudug ayaa waxaa kamid ahaa in deegaanka Xeraale loo aqoonsaday degmo buuxda  waxaana  hindise-sharciyadu gaarayaan  lasixiixay illaa iyo toban sharci kuwaas oo kala ah.
1- Sharciga Kalluumaysiga
2- Sharciga Nidaaminta Magaalooyinka
3- Sharciga Ujrooyinka Kalluumaysiga
4- Sharciga Shirkadaha
5- Sharciga Nootaayada
6- Sharciga Degmaynta Xeraale
7- Sharciga Shaqaalaha Rayidka ah
8- Sharciga Shaqaalaha Guud
9- Sharciga Biyaha
10- Sharciga Golaha Adeegga Garsoorka.
Dhanka kale Madaxwaynaha ayaa waxa uu kahadlay arimaha doorashada, waxana uu sheegay in kuraastii taallay caasimadda Dowlada Galmudug ee Dhuusamarreeb lasoo gaba-gabeeyay, lana bilaabayo kursaasta taalla  Galkacyo.
Hindise-sharciyeedyadaan uu maanta sixiixay madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmad Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa horay uga soo gudbay  golaha wasiirrada iyo golaha wakiillada maamulkaas oo soo meelmariyey.
Goobjoog News