U bood dhigaalka

Madaxweyne Trump oo Maanta Hortagaya Maxkamad Ku Taalla New York

Sheeko:Caalamka

Madaxweynihi hore ee Mareykanka Donald Trump, ayaa lagu wadaa in maanta oo Talaado ah uu hortago maxkamad ku taallada magaalada New York, halkaas oo ay uga billaaban doonto dhageysiga dacwado uu wajahayo, kuwaas uu galay markii looga adkaaday doorashada iyo intii uu xilka haayay intaba.

Wuxuu noqon doonaa madaxweynihi ugu horreyay Mareykanka ee lasoo hortaago maxkamad, iyada oo loo heysto danbi, waxyaabaha loo heysto ayaa waxaa kamid inuu xiriir la sameeyay haweeneey ka ganacsata jirdeeda xilligii uu ku jiray olilaha tartanka, sanadkii 2016, taas oo keentay in dib laga ogaado xiriirkooda.

Waxyaabaha kale ee madaxweyne Trump loo heysto ayaa waxaa kamid ah inuu lacag dhag dhan $130,000 uu ku bixiyay inuu aamusiyo gabadha si aysan usoo shaacbixin xiriirka kala dhexeeyay madaxweynihii, taas ayaa qeyb ka ah maadaama uu diiday inuu uga jawaabo TV-da markii ay su’aalo ka weydiiyeen xiriirka inuu jiro.

Wararka kale ee ku gadaamay Maxkamadeynta Trump ayaa waxaa laga yaabaa in ku gudban yihiin xaalado badan oo la xiriira gabadhaas uu aamusiyay, waxaana soo eedeeyay  guddi xeer beegto ah oo ay fariisiyay xeer-ilalainta magaalada New York, kuwaas oo muddo dheer ku haayay, kiiska loo heysto madaxweynihii ee Mareykanka.

Madaxweynihi hore ee Mareykanka Donald Trump, ayaa waxaa uu noqonayaa madaxweynihii ugu horeeyay ee Mareykan ah oo maxkamad lasoo taago, isaga oo loo heysto kiis dacwadeed qarin dambi iyo laaluush uu bixiyay, Bill Clinton  ayaa hore loogu oogay dacwado la xiriira inuu xad gudub galmo uu la sameeyay gabar.

Goobjoog News