U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan: "Boko Haram tababar ayay ku qaataan gudaha Soomaaliya"

Sheeko:War
Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud
Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud

Madaxwaynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in   Soomaaliya ay ku yaallaan Saldhigyo lagu tababaro jabhada Islaamiga ee ka dhisan Dalka Nigeria.

Madaxwaynaha Dowladda ayaa dhinaca kale sheegay in  Ciidamo aad u fara badan ay u abaabulanyihiin qaab qaabiil.

Madaxwaynaha ayaa lagu soo waramayaa in Magaalooyinka qaar uu kala kulmay intii uu socdaalka ku joogay dibad baxyo waa wayn, halka Magaalooyinka qaar lagu soo dhaweeyay.

Mudane Xasan Sheekh waxuu tilmaamay in dowladiisu waddo qorshayaal lugu doonayo in lugu soo celiyo xasilinta ammaanka dalalka iyo kala danbeyntii ka jirtay,isagoona intaa raaciyey Al-shabaab inay khatar ku tahay xasilinta iyo soo celinta ammaanka Soomaaliya.

“Dowladda Soomaaliya waxaa ay heshey warar u xaqiijinaya in xubno ka mid ah Boko Haram ay yimaaden Soomaaliya kuwaaso tababarro la qaatay Al-shabaab,”ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya,Maxamuud.

Madaxwayne Xasan Shiikh ayaa xalay gaaray Gobolka Minasota halkaasi oo ay ku nool yihiin Soomaali aad u badan.