U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan oo ku baaqay joojinta dagaallada ka socda dalka

Sheeko:War

[huge_it_slider id=”40″]

Madaxda dowladda federaalka Soomaaliya oo uu ugu horreeyo madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka, Ra’iisul wasaaraha, xubnaha G/wasiirrada iyo mudanayaal ka tirsan baarlamaanka ayaa dadweyne fara badan salaadda ciidda kula tukaday Masjidka Isbaheysiga Islaamka ee magaalada Muqdisho.

Salaadda Ciidda  kadib ayaa madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, waxa uu Masjidka Isbaheysiga kala hadlay Shacabka Soomaaliyeed, waxa uuna ugu horreen ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasibadda ciiddul Fidriga, isago sidoo kale ka hadlay Midnimada Umadda, iyo joojinta colaad Beeleedyada.

Madaxweynaha ayaa Ummadda Soomaaliyeed ugu baaqay in ay is cafiyaan, isla markaana ay joojiyaan Colaadaha aan Mincaha badan ku dhisneyd ee dalka dib u celinaya, waxauna  ku boorriyey dhinacyada khilaafku ka dhaxeeyo Midnimo iyo wada hadal  in ay isugu yimaadaan.

Sidoo kale madaxweeyne Xasan Sheekh Maxamuud oo khubaddiisa sii wata, ayaa ka hadlay, dhibaatada khilaafka uu dalkeenna u leeyahay, waxa uu mar kale hoosta ka xariiqay in si deg deg ah loo joojiyo dagaalladaasi, waxa uu hey’adaha ammaanka ee dowladda faray in ay tallaabada ku habboon ka qaadaan cid walba oo hurineysa colaada shacabka lagu waxyeeleynayo, odeyaasha Dhaqanka iyo Culimada Soomaaliyeedna ay  gacan ka geystaan sidii colaadaha loo joojin lahaa, iyadoo madaxweynuhu ku baaqay is cafin guud.