U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan oo Ku Wajahan Itoobiya, Muxuu Kala Hadlayaa Madaxda Dalkaas?

Sheeko:Caalamka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda federalka ah ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa maanta ku wajahan magaalada Aadis Ababa ee dalka Itoobiya, kadib casuumaad uu ka helay Ra’iisulwasaare Abay Axmed.

Madaxweynaha ayaa waxaa lagu wadaa inta uu ku sugan yahay halkaas inuu kulamo la qaato madaxda ugu sareyso dalkaas, isaga oo kla hadlaya xoojinta xiriirka labadal, amniga iyo iskaashiga dhanka ganacsiga.

Madaxweyne Xasan safarkaan uu ku tagayo dalka Itoobiya ayaa ah safarkii ugu horeeyay uu ku tagayo dalkaas, kadib markii madaxweynaha dalka loo soo doortay 15-kii bishii May 2022, markiisii labaad xilka.

Dowladaha Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa waxaa ka dhaxeeyay xiriir soo jireen tan iyo markii ay meesha ka baxday dowladdii kacaanka sanadkii 1991-kii, isyaga oo iskaashi ka lahaa dhinacyada amniga iyo gacansiga.

Goobjoog News